Bandhiggii buuggagta Cadaado oo socday intii u dhaxaysay 4-5 Sebtember 2018-ka ayaa si rasmi ah loogu soo gab-gabeeyay xarunta Kafaalo ee magaalada Cadaado ee G/Galgaduud, taariikh ahaan waa sannadkii Koowaad ee  Cadaado lagu qabto bandhig ceynkaan oo kale ah.

Carwdaasi oo lagu soo bandhigay buuggaag badan ayaa la sheegay inay ka soo qeyb galeen 40 ka mid ah hal-abuurada Soomaaliyeed oo isugu jiray qorayaal iyo abwaanno ka kala yimid guud ahaan deeganada ay Soomaalidu degto, siyaasiyiin iyo shacbiga reer Galmudug, waxaana xiiso gaar ah laheyd in  ardayda Dugsiyada Cadaado loo fasaxay sidii ay uga faa’iidaystaan bandhiggaas.

Agaasimaha bandhigga buuggaagta Cadaado Md, Cabdiraxmaan Cali Maxamed  ayaa sheegay in fikradda carwada ay soo bilaabatay 8 bilood ka hor, waxaana uu tilmaamay Lix dhalinyaro ah oo uu isaga ugu horreeyo inay saldhigg u ahaayeen,  isagoo u mahad-celiyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cabdi  ‘Qoor-qoor” oo lahaa hirgalinta carwadaas

«Danta aan Carwadan ka lahayn waxay aheyd  in la kobciyo wax-soo-saarka waxbarashada, lana helo meel ay dadka ugu soo hagaagaan buuggaag la  akhristo lana iibsan karo, waxaan la jaan- qaadnay kacdoonka bandhigyada buuggaagta ee Soomaaliya ka socda, waxaa inoo qorsheysan inaan sannad walba qabanno” ayuu yiri  Cabdiraxmaan Cali  oo sheegay  hal-ku dhigga carwadaasi inuu ahaa  «Wax akhri si isbedelkii loo baahnaa aad u sameyso».

Carwadaan ayaa qeyb ka noqonaysa  carwooyinka buuggaagta ee sannad kasta lagu dhigo gudaha Soomaaliya, Degmada Cadaado ayaa noqotay magaaladii 5-aad  ee ku guuleysta qabashada carwooyinka noocaan oo kale ah.