Munaasabad lagu xusayay sanadguuradii 20-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii naadiga Somali Pen ee laanta Muqdisho iyo 50-guuradii ka soo wareegtay qoraalka farta Soomaaliga ayaa 28/01/2023, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Somali Pen ee laanta Muqdisho, C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba) oo ugu horeyntii ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in naadiga Somali Pen aasaaskiisa uu dhabbaha u xaaray marxuum Maxamed Daahir Afrax, isagoo intaas ku daray in naadiga uu xoojinayo waxqabadkiisa.

Guddoomiyaha naadiga Somali Pen ee laanta Muqdisho, Dahabo Shiikh Maxamuud oo hadal ka jeedisay munaasabadda ayaa waxay sheegtay in maanta ay faraxad weyn u tahay in naadiga Somali Pen uu 20-jirsaday, dadaallo badan oo la bixiyiay kaddib.

“Hawshu weli way socotaa, waxaa naadiga ka tagay halyeeyo fara badan, waxaana ka mid ah; Maxamed Daahir Afrax, Cabdi Muxumed Amiin iyo C/naasir Yuusuf Macallin oo dhammaantood qiimo weyn agteenna ku leh, waxaana iyaga iyo intii naga baxay aan u rajeynaynaa Jannatul Fardowso,” ayay tiri Dahabo Shiikh oo intaas ku dartay in dad aan lahayn af iyo dhaqan aysan jiri karin, sidaa daraadeedna looga baahan tahay qof walba oo Soomaaliyeed inuu u istaago horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, waxaa xubnaha naadiga Somali Pen ee laanta Muqdisho la guddoonsiiyay shahaadooyink ay ku kasbadeen waxqabadkooda, waxaana xafladdu ay ku soo dhammaantay jawi wanaagsan.