Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga oo xarunteeda laga hirgeliyey magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dowladda Jabuuti hirgelinta Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga si jiilasha soo socda loogu keydiyo dhaqanka iyo taariikhda umaddooda Soomaaliyeed, laguna sii horumariyo afkeenna Soomaaliga ah.
“Af Soomaaligu waa xabagta isu haysa ummadda Soomaaliyeed. Waa diiwaanka keliya ee xanbaarsan dhaqanka, taariikhda iyo aqoonta dhaxalka ah ee facba faca kale u soo gudbinayay. Waa summadda iyo baadi soocda aan kaga duwan nahay quruumaha kale ee caalamka ku nool” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay faa’iidada ballaaran ee ugu jirta dhammaan dadka Soomaaliyeed hirgelinta Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga, waxa uuna tilmaamay dadaalka dowladdiisu ay ku bixisay dhismaheeda, maadaama ay xuddun u tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadkeenna Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa munaasabaddaasi ka hadlay Wasiirka Gaashandhigga ee dawladda Kenya Md, Aadan Barre Ducaale oo soo dhaweeyay furtitaanka xarunta Akadeemiyada AGA, waxaana uu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay ka soo qeybgalka furitaanka xaruntaasi, isaga oo ballanqaaday inay ka qeyb qaadan doonaan hiilka afka Soomaaliga.
Guddoomiyaha KMG ah ee Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo madaxdaasi ka hor halkaasi ka hadlay ayaa soo bandhiggay heerarkii ay soo martay dhismaha xarunta AGA, waxaana uu iftiimiyay dadaalka ay Akadeemiyadu ugu jirto hiilka afka Soomaaliga, isaga oo intaasi raaciyay in ay ka go’an tahay sidii uu afka Soomaaligu ugu soo laaban lahaa maqaamkii uu ku lahaa dalalka Geeska Afrika.
Munaasabaddaasi waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.















