Maamulka Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay Allaha u naxariistee, agaasimihii waxbarashada ee Akadeemiyada marxuum Cabdinaasir Yuusuf Macallin oo 25/9/2022 ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

“Innaa lillaahi, wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxa aan tacsi u diraynaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdinaasir Yuusuf Macallin oo ka mid ahaa golaha dhexe ee Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga iyo madaxii waxbarashada ee (AGA)” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta AGA.

Akadeemiyada AGA ayaa Marxuumka Alle uga barirdey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay.

Allaha u naxariistee Ustaad Cabdinaasir ayaa ka mid ahaa akhyaarta loogu jecel yahay bahda afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, waxaana uu ummaddiisa uga tagay qoraallo iyo buugaag dhaxalgal ah.