Kulan isugu jiray is-barasho, soo dhaweyn, kala warqaadasho iyo sidii ay naadiyada akhriska iyo qoraalka uga mid noqon lahaayeen bahda ku xirran Maktabadda AGA ayaa maanta oo ku beegan 20/7/2022, waxaa lagu qabtay xarunta Akadeemiyada ee magaalada Muqdisho.
Kulankaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha guddiga qabashada Shirweynaha Akadeemiyada iyo xuska qabanqaabada Konton-guurada afka Soomaaliga Prof. Cabdalla Cumar Mansuur, madaxda Maktabadda Akadeemiyada iyo masuulyiin matalaysay naadiyada akhriska iyo qoraalka ee Somali Pen, Hilin-hayaan, Xamar iyo Banaadir.
Prof. Cabdalla Mansuur oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Akadeemiyadu gacmo furan ku soo dhaweynayso naadiyada akhriska iyo qoraalka, waxaana uu iftiimiyay in ay AGA diyaar u tahay sidii ay naadiyada gacan uga siin laheyd gudashada shaqooyinkooda, isaga oo caddeeyay in uu ku faraxsan yahay in ay naadiyadu ku soo xirmaan Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga.
“Akhrisku waa albaabkii cilmiga, waxaana naadiyada iyo bulshada oo dhan aan kula dardaarmayaa in ay yeeshaan dhaqan wax akhris” ayuu yiri Prof. Mansuur oo naadiyada ku guubaabiyay in ay bilow u noqdaan sidii loo hirgilin lahaa dhaqan ku aadan dhinaca wax akhriska.
Prof. Cabdalla ka hor, waxaa kulankaasi ka hadlay Cabdinaasir Yuusuf Macallin iyo C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba) oo ka tirsan madaxda Maktabadda Akadeemiyada, kuwaasi oo ka war-bxiyay ujeeddada booqashada naadiyada akhriska iyo qoraalka iyo qaabka ugu haboon oo ay u shaqeyn doonto Maktabadda Akadeemiye Goboleedka.
Sidoo kale, waxaa kulankaasi ka hadlay Cabdi-majiid Cali Cabdi (Abwaan Jabane) oo ku hadlay magaca naadiyada Somali Pen, Hilin-hayaan, Xamar iyo Banaadir, waxaana uu sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay ugu mid noqon lahaayeen bahda ku taxan Maktabadda AGA, isaga oo ka mahad-naqay sida diirran ee loogu soo dhaweeyay Maktabadaasi.
Horey ayaa Maktabadda Akadeemiyada waxaa u soo booqday, isla markaana akhris iyo buugaag daalacasho u yimid Wasiirro, Xildhibaanno, madax isugu jirta heer Gobol iyo heer Degmo, saraakiil sar-sare. aqoonyahanno iyo waxgarad aad u fara badan.















