Xaflad si heer sare ah loo soo abaabulay oo lagu maamuusayay in lagu soo bandhiggo Haldoorkii xilligaan, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Gudddoomiyaal, aqoonyahanno, abwaanno, qorayaal, ururada bulshada rayidka iyo dhallinyaro aad u badan ayaa habeenkii xalay ahaa oo ku beegneyd 14/7/2022, waxa ay ka dhacday Hotel Maa’ida Ex. Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii xafladdaas oo aad loo jecleystay ayaa aheyd middii ugu qiimaha badneyd oo ay soo abaabulaan bahda Haldoor, Furitaankii xafladda kadib, waxaa halkaasi lagu daawadey filim ka hadlayay “Waa kuma Haldoorka Caawa? filimkaasi oo aad loola dhacay ayaa waxaa lagu soo bandhiggay qeybo ka mid ah taariikhda, waxqabadka iyo guusha uu haldoorku ka gaarey dhinaca qoraalka iyo sida naf-hurnimada ah ee uu had iyo goor ugu heelan yahay hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.
Filimkaas oo qof walba soo jiitey ayaa waxaa ka soo dhex-muuqday buugaagtii uu haldoorku qorey. Sidoo kale filimkaasi waxaa uu sawir qurux badan ka bixiyay nafhurnimada haldoorka iyo sida ay uga go’an tahay inuu mar walba u taagnaado daryeelka, ilaalinta iyo horumarinta afka, dhaqanka, suugaanta, Iwm.
Markii si fiican loo daawadey waxtarka haldoorkaas ayaa coddeeyihii filimkaas waxa uu Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay magaca Haldoorkii 6-aad ee taxanaha barnaamijka Haldoor, kaasi oo loo aqoonsadey Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ah Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada shirweynaha Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) iyo qabshada xuska Konton-guurada afka Soomaaliga Prof. Cabdalla Cumar Mansuur.
Hal mar ayaa la wada istaagay, Sacab ayaa is qabsadey hoolkii ay xafladda ka dhacaysay, waa u qalmaa, waa istaahilaa, waa mudan yahay, Allaylahee waa la helay iyo ereyo kale oo la mid ah ayay ku dhawaaqayeen bulshadii halkaas ku sugneyd.
Iyada oo la galbinaayo ayaa Haldoorkii 6-aad la geeyay Masraxii ay xafladdu ka dhacaysay, waa la cimaamadey, si cajiib ah ayaa loo caleema-saaray, haddiyado isugu jirey Kitaabka Quraanka, Calanka Soomaaliya, Bilad Sharaf, Ubax iyo Qalin ayaa la guddoonsiiyay Haldoor Prof. Cabdalla Cumar Mansuur.
Hadal uu halkaasi ka soo jeediyay haldoorkii Duubka loo xiray ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo garto haldoorkii 6-aad, waxaana uu cadddeeyay in aanu fileyn in isaga la cimaamadi doono, isaga oo u mahadceliyay bahda Haldoor.
Intaasi kadib, waxaa halkaasi ka hadlay Wasiiru Dawlaha Wasaradda Amniga DFS Farxaan Cali Axmed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Mahad Maxamed Xasan, Xildhibaan Gobsan Muxumed, Xildhibaan hore prof. Maxamed Cumar Dhalxa, Wasiir hore Cabdi Baafo, Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Xirsi Dhuux, Agaasimaha bahda Haldoor Dayax Axmed Maxamed & masuuliyiin kale oo xafladdaasi ka hadlay ayaa u hambalyeey haldoorkii lala caweynayay.
Masuul walba oo ka hadlay fagaarahaas ayaa si kalgacal leh u bogaadiyay Haldoorka la cimaamadey ee Prof. Cabdala Mansuur, iyaga oo qirey in Prof. Mansuur uu u qalmo wax walba oo la isku sharfo.
Aqoon, dadaal, dulqaad, daacadnimo, hal-abuur, karti & ilaalinta Afka Hooyo iyo hal-abuurkiisa ayaa Prof. Mansuur lagu siiyay biladda muujinaysa Haldoorka xilligaan.
Xalay oo aheyd habeen taariikhi ah, waxa ay noqotay habeen qaali ku ah ummadda Soomaliyeed oo la xasuusnaan doono maadaama ay dhacday xaflad ballaaran ah lagu cimaamadey haldoorkii xilligaan, hambalyo haldoorka guuleystay.















