Kulan lagu xusayey looguna ducaynayey qoraa Siciid Jaamac Xuseen oo dhowaan ku geeriyooday London ayaa lagu qabtay bariga magaaladaas. Ururka dhaqanka ee Kayd ayaa soo qabanqaabiyey iyadoo ay ka soo qeybgaleen xubnaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee UK, masuuliyiin kala duwan, abwaanno, qorayaal iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha London.
Agaasimaha Kayd Ayaan Maxamuud Canshuur ayaa ka soo qeybgalayaashii soo dhaweysay kana warrantay aqoontii ay u lahayd Siciid, iyo wixii ay isu ahaayeen. Waxaa goobtaa ka hadlay Rashiid Sh. Cabdillaahi (Gadhweyne), Saynab Aadan Sharci, Cabdirashiid Ina Cawsgurow, Maxamuud Ibraahim “Xaaji”, Hashim Ducaale, iyo Cabdiraxmaan Abtidoon oo ka wada tirsan AGA, saaxiib dhowna ay ahaayeen qoraa Siciid Jaamac.
Sidoo kale waxaa halkaa taariikhdii ay isla soo mareen marxuumka ka hadlay Cabdulqaadir Shire Faarax, Maxamed Xasan Alto, tafaftiraha wargeyska Wardheer News Khaliif Xasan, Caasha Luul oo maansooyin ay tirisay Siciid u rogay afka ingiriisiga, Bill Herbert, Maxamed Macalow. Wakiilka Somaliland ee UK iyo abwaan Xasan Dhuxul “Laabsaalax” oo safar gaaban ku yimid London ayaa iyagana hadallo halkaa ka jeediyey.
Siciid Jaamac Xuseen wuxuu ahaa qoraa, macallin, xeeldheere af Soomaaliga iyo dhaqanyaqaan. Wuxuu ahaa horyaalka sheekooyinka gaagaaban, isagoo ahaa aabbaha qoraal curinta toolmoon.
Naadiga Qalinleyda iyo Halabuurka Soomaaliyeed (Somali PEN) iyo AGA wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii dhidibbada u taagan iyo masuuliyiintooda.
Eebbe ha u naxariisto qoyskii, saaxiibbadii iyo bulshada Soomaaliyeed ee uu ka tagayna samir ha ka siiyo.















