Tababbar heerkiisu aad u sarreeyay oo loogu tala-galay in kor loogu qaado aqoonta xubnaha Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta oo ku beegan 27/6/2022 waxa uu hawl-wadeenka AGA uga furmay xarunta dhexe ee Akdeemiyada ay ku leedahay G/Banaadir.

Tababbarkaasi oo ku saaban “Midaynta Hab-dhigaalka Af Soomaaliga” ayaa waxa uu socon doono muddo laba maalin ah, waxaana casharada tababbarkaasi bixin doono Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ah Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirweynaha AGA iyo Konton-guurada afka Soomaaliga.

Prof. Cabdalla Mansuur oo halkaasi ka hadlay ka hor intii aanu tababbarkaasi la furin ayaa sheegay in tababbarada noocaan oo kale ah la joogteyn doono, waxaana uu iftiimiyay in uu tababbarkaan yahay tababbar macallimiin, isaga oo ka qeyb-galaaysha kula dardaarmay in aqoonta ay bartaan in ay gaarsiiyaan dadka kale ee aan fursadaasi oo kale helin.

 Furitaankii tababbarkaasi kadib, waxaa halkaasi ka bilowday casharadii uu macallinka ugu tala-galay in lagu qaato maalinta koowaad ee tababbarka.

Tababbarkaan oo ah mid leh qiimi badan ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya xubnaha Akadeemiyada ee jooga magaalada Muqdisho iyo dhawr aqoonyahan oo si xushmad ah loogu casuumay tababbarkaasi.