Bandhiggii buuggaagta Muqdisho oo intii u dhaxaysay 15-17 Agoosto 2018 ka socday magaalada Muqdisho ayaa noqday midkii ugu sareeyay ee lagu qabto gudaha G/Banaadir, waxaana ka soo qeyb galay qorayaal caan ah oo si weyn looga yaqaano gayiga ay Soomaalidu degto.
Hadal jeedinta qorayaashaasi ayaa aheyd mid si gaar ah loo xiisaynayay, fadhi ka mid ah fadhiyadii hadal jeedintoodu aad loo jecleystay waxaa ka soo muuqday ruug-caddaa ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ahna Gudoomiyaha Somalipen ee laanta Koonfurta Soomaaliya qoraa sare Al-ustaad Cabdi-naasir Yuusuf Macallin, kaasi oo ka mid ahaa qorayaashii lagu casuumay carwadaasi.
Al-ustaad Cabdi-naasir oo Hadal jeedintiisa aad loola dhacay ayaa ka qeyb galayaashii carwadaasi la wadaagay macluumaad ku saaaabsan buuggiisa cusub ee la yiraahdo Xikmadda Nolosha, waxaana uu caddeeyay inuu buuggaasi xambaarsan yahay macluumaad isugu jira Xikmad, Murti, Ila-qosol iyo sheekooyin ku saabsan Tobban (10) ka mid ah hal-doorada saameynta ku leh ummadda Soomaliyeed.
Mar uu qoraagu ka sheekaynayay doorka ay Somalipen ka qaadan karto waxbarashada dadka waa-weyn oo ay hayso Akhris/Qoris la’aanta ayaa carrabka ku dhuftay Somalipen inay haatan gacanta ku hayso qorshayaal wax lagu barayo dadka waa-weyn, isagoo dhanka kale ku dheeraaday soo bandhigida dadaalka ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ugu jirto daryeelka iyo horumarinta afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.
Gaba-gabadii fadhigaasi ayaa sacab waxaa lagu sii sagootiyay qoraaga buugga Xikmadda Nolosha Al- ustaad Cabdi naasir Yuusuf Macallin xilligii uu ka soo degayay masraxii uu ka hadlayay.















