Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta & Dalxiiska Puntland ayaa asaasihii SSPEN iyo Guddoomiyihii Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax waxa ay ku maamuustay in loogu magac-daro hoolka shirarka ee wasaaraddaas.
Agaasimaha waaxda Dalxiiska ee wasaaradda Warfaafinta Puntland, kana mid ah ehelada marxuumka Md, Keyse Yuusuf Aadan oo ugu horeyntii ka hadlay munaasabaddii xarig jarka hoolkaas ayaa wasaaradda uga mahad-celiyay garashadeeda ku aadan in Dr. Afrax ay ugu magac darto hoolkeeda shirarka, isaga oo talabaadaasi ku tilmaamay in ay ka mid tahay nooleynta magaciii marxuumka.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta & Dalxiiska Puntland Cabdifatiax Nuur Ashkir oo lahaa hal-abuurkaas ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay go’aansaty in hool ka mi d ah hoolkeeda loo bixiyo Dr. Afrax, waxaana uu iftiimiyay ujeeddadu in ay tahay sidii ummadda Soomaaliyeed loo xasuusin lahaa waxtarkii marxuumkaas, isaga oo intaasi ku darey in meelo kale oo dalka ka mid ah loogu magac dari doono haddii uu Alle idmo.
Masuuliyiinta sare ee Wasaaraddaas ayaa mar walba waxa ay kaalin mug leh ku leeyihiin ilaalinta afka, hiddaha & dhaqanka ummadda Soomaaliyeed, waana hogo-tusaalayn ay u muujinayaan hay’adaha kale ee qaranku leeyahay.















