Waxaa saddexdii maalmood ee ugu dambaysay toddobaadka saddexaad ee Bisha sideedaad 2018ka socday Carwada Buugaagta Muqdisho. Bishan oo kale sannaddii 2015ka ayaa bandhiggii ugu horreeyay ee noociisa ah lagu qabtay Muqdisho.

Marka loo fiiriyo bandhigyadii koowaad iyo labaad waxay tayadooda agaasin, ka qayb-gal, soo bandhigid buugaag aad uga sarreeysay labadii bandhig ee saddexaad iyo afraad oo aan maanta u fadhino.

Inkastoo la dhihi karo sannadahaas waa la xiisaynayay bandhiggayada, haddana soo qaban-qaabiyaasha iyo gudaha bandhigga cidda ku shaqa leh ma ahayn in ay dadaalka yareeyaane, waxay ahayd in ay marba marka dambeysa koboc horumar ah ka sameeyaan bandhigga.

Sidoo kale, bandhig buugaageedyadii lagu qabtay Kismaayo, Garowe iyo Hargaysa sannadkan “2018” ayaa laga dayrinayaa marka loo fiiriyo bandhig buugaageedyadii sannaddihii hore.

Gudaha bandhigga Mogadishu book fair, qaar ka mid ah buugaagta lagu soo bandhigay  tayadooda aad uma hormarsaneyn, arintaas ayaa ka mid ah meelaha ay bandhigyadu  biyadayska ka yeeshaan.

Tayo yarida  buugaagtii la soo bandhigay dhaliisheeda waa laga indha saabanayaa; waayo, dhaliisha ayaan gar ahayn marka loo eego waddan colaado ka soo baxayo qorayaasha uu yeelan karo.

Bandhigyada buugaagta oo ah il-baxnimo aan ku talaabsanay waxay baraarugooda nagu bilowdeen tobankii sanno ee ugu dambeeysay.

Waxay ahayd sannaddii 2006da markii bandhig buugaageedkii ugu horreeyay lagu qabtay carra ay Soomaali ay  leedahay.

Naadiga Qalinlayda Soomaaliyeed “Somali Pen” ayaa Jabbuuti ku qabtay bandhiggii buugaagta ee ugu horreeyay sannaddii 2006.

Bandhigyada buugaagta waxay xoojiyaan is-dhex-galka iyo aqoon-faafinta.

Badhigyada buugaagtu waxay noo yihiin kifaax iyo cusboonaysiiin aragtida fog ee wax saadaalisa.

Waxaan rajeeynayaa in bandhigga buugaagta ee 5aad la dabooli doono meelaha ay dhaliishu ka soo baxayso, si aan u halno waddan harumarsan oo il-bax ah.

Bandhiggan afraad ee maanta noo idlaaday waxaan ku faraxsanahay in uu sidii loogu tala-galay uu ku dhammaaday.

Akhriska iyo qoraalku waa aaladaha gundhigga u ah horumar aan dheellinayn, il-baxnimaduna waa in aad ku faantaa afkaaga hooyo.

Mahadsanidiin

W/D Saynab Xaaji “Ugbaad”