Safiirka  Dawladda Jabuuti u jooga Soomaaliya Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf {Maxamed Rashiid} ayaa 18/5/2022 waxaa uu booqasho ku aadan Indha-indheyn & u kuur-galid uu ku yimid  xarunta cusub ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Qaban-qaabada furitaanka xarunta, qabashada Xuska 50-guurada Afka Soomaaliga iyo Shirweynaha AGA Prof. Cabdalla Cumar Mansuur iyo xubno ka mid ah maamulka Akadeemiyada ayaa si diiran Safiirka ugu soo dhoweeyay xarunta Akadeemiye-Goboleedka (AGA).

Danjire Maxamed Rashiid oo uu la socda Prof . Cabdalla Mansuur ayaa ku soo wareegay qeybaha kala duwan oo ay xarunta AGA ka kooban tahay, iyaga oo mid mid u booqday xafiisyada, qolalka shirarka, fadhiga Guddoomiyaha, hoolka xafladaha, maqaayadda iyo halka loogu tala-galay Maktabadda xaruntaasi.

Waa markii labaad ee Safiirka Jabuuti uu soo booqdo xaruntaasi, horey ayuu mar sii horeysay u soo booqday dhismaha xarunta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).