Muxaadaro aad u qiimo badan oo ku saabsaneyd “Muhiimadda Af-Soomaaliga iyo Kaalinta Dhallinyarada”, ayna ka soo qeyb-galeen Xildhibaanno, gudddoonka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, madaxda Somali Pen ee laanta Muqdisho, aqoonyahanno, hal-abuurro, qorayaal iyo in ka badan Konton (50) dhallinyaro ah ayaa shalay oo ku beegneyd 20/1/2022, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Ku-simaha Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin oo ka hadlaysay furitaankii muxaadaradaasi ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay AGA muxaadaro u qabato bahda Somali Pen, waxaana ay caddeysay in ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ay danaynayso sidii ay Somali Pen, naadiyada akhriska iyo qoraalka iyo bulshada oo dhan ay uga qeyb-qaadan lahaayeen hiilka afka hooyo.
“Dhallinyarooy, waxaa tihiin dhaxal-reebkii Soomaaliya, waxaana rajaynayaa in aan idinku wareejino risaalada ku aadan daryeelka iyo hiilka afka Soomaaliga, hadaan nahay Akadeemiyadii af Soomaaliga, waxaa naga go’an in aan idiin faa’iideyno oo aan idinla wadaagno tababbarro is-daba joog ah” ayay tiri Xildhibaan Maryan Cariif oo dhallinyadaradaasi ugu baaqday inay ku fara-adeygaan ilaalinta afkooda hooyo.
Guddoomiyaha Somali Pen ee laanta Muqdisho Cabdi-naasir Yuusuf Macallin oo isna ka hadlay munasabadaasi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo muxaadarada loo qabanayo xubnaha Somali Pen, waxaana uu ka qeyb-galayaasha muxaadaradaasi u soo jeediyay in ay ka faa’iideystaan muxaadardaarada uu siinayo Prof. Cabdalla Cumar Mansuur, isaga oo dhanka kale u mahad-celiyay Akadeemiyada AGA oo xil gaar ah iska saartey daryeelka afka Soomaaliga iyo tababbar siinta dhallinyarada Soomaaliyeed.
Intaasi kadib, waxaa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay Macallinkii bixinayay muxaadarada oo ahaa Prof. Cabdalla Mansuur oo xubnaha Somali Pen la wadaagay muxaadaro ay aad u jeceleysteen, waxaana Profesoorku uu mid-mid u dul-istaagay qoddobo aad u xiisa badan oo muxaadaradaasi qeyb ka ahaa, isaga oo ugu dambayntii dhallinyarada kula dar-daarmay in aysan marti ka noqonin hiilka afkooda hooyo.















