Carwadii buugaagta Muqdisho oo socotay intii u dhaxaysay 1-3/12/2021 ayaa xalay waxaa si rasmi ah loogu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho, iyada oo munaasabaddii xiritaanka bandhigaasi ay ka soo qeyb-galeen Wasiirro, madax ka socotay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, aqoonyahanno, qorayaal, hal-abuurro iyo marti sharaf aad u badan.
Wasiiradda Wasaaradaha Waxbarashada iyo Warfaafinta Cabdullahi Abuukar Xaaji (Cabdullahi Carab) iyo Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka soo muuqday xafladdii xiritaanka bandhigaasi, waxaana Wasiiirada halkaasi lagu guddoonsiiyay buugaag kala duwan oo ay qoreen qorayaal Soomaaliyeed.
Wasiiraddii iyo madaxdii ka hadashay munaasabaddii xiritaanka bandhigaasi ayaa sheegay inay u mahad-celinayaan guddigii soo agaasimay carwadaasi, iyaga oo soo jeediyay in la joogteeyo bandhigyada noocaan oo kale ah.
Waa markii lixaad ee carwada buugaagta Muqdisho lagu qabto magaalada Muqdisho, iyada oo carwdaaasi sannadkiiba hal mar la qabto.















