Bandhigga buugaagta Muqdisho oo galabta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ayaa xus iyo xusuus u sameeyay Guddoomiyihii Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Allaha u naxariistee Dr. Maxamed Daahir Afrax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska.
Soo jeedinta taariikh-nololeedka iyo waxqabadkii Dr. Afrax, waxaa halkaasi ka soo jeediyay Cabdiqaadir Nuur Xuseen (Maax) oo ah Guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.
Md, C/qaadir Maax ayaa ka qeyb-galayaashii bandhigaasi la wadaagay dadaalkii Marxuumka ee dhinacyada afka, dhaqanka, suugaanta, hal-abuurka, iwm, isaga oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yiri:-
“Maxamed Daahir Afrax, Allaha u naxariistee waxa uu qayb wayn ka qaatay horumarinta afka Soomaliga, suugaanta, sheeko-faneedka iyo hal-abuurka.”
Waxa uu wax ku qori jiray afafka Ingiriiska, Carabiga iyo Soomaaliga.
Oraahyadiisii waxaa ka mid ahaa:-
“Afkeenna hiilbuu u baahan yahay.”
“Afkeennu waa afka xudduudaha ka gudba.”
Waxa uu qayb wayn ka qaatay noolaynta afka, suugaanta iyo dhaqanka.
Waxa uu lahaa dood cilmiyeedyo waxtar leh.
Wuxuu ahaa qoraa
Wuxuu ahaa suxufi
Wuxuu ahaa xeel-dheere
Wuxuu ahaa qareen
Wuxuu ahaa la-taliye
Wuxuu ahaa tifaftire
Wuxuu ahaa hal-abuure
Wuxuu ahaa afka u ololeeye
Wuxuu ahaa Xiriiriye ka shaqeeya afka iyo suugaanta.
Waxa aan ku talinayaa in buug laga qoro iyo in meel loogu magac daro si loo xoojiyo waxqabadkii iyo dadaalkii uu ugu jiray afka iyo dhaqanka.
Gaba-gabdii hadal-jeedintaasi, waxaa ka qeyb-galayaashii carwadaasi loo qeybiyay buug yare ka hadlaya qeybo ka mid ha taariikhdii Dr. Afrax.















