Munaasabad lagu dooranayay hogaanka cusub ee Golaha Qorayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil, ayna ka soo qeyb-galeen masuuliyiin ka kala socotay Akadeemiye-Goboleedka AGA, bahda qorayaasha, ehelada afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale ayaa shalay oo ku beegneyd 26/11/2021, waxaa lagu qabtay magalaada Muqdisho.
Doorashadaasi oo ku dhacday si xur iyo xalaal ah ayaa waxaa Guddoomiyaha Maskaxshiil loo doortay Farxiyo Muxudiin Yuusuf (Lama-filaan), waxaana Guddoomiye Ku-xigeen loo doortay Cabdullaahi Axmed Tahliil (Buubaal), halka Xoghayaha guud ee Golahaasi loo doortay Mustafa Warsame Sabriye (Tima-cadde).
Guddoomiyaha cusub ee la doortay Farxiya Lama-filaan oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay xilka loo doortay, waxaana ay u mahad-naqday intii codka siisay iyo intii aan siinin, iyada oo ballan-qaaday in ay Golaha ku hogaamin doonto caddaalad.
Kaaliyaha Madaxa Tababbarada aAkadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo Xoghaynta Guud ee AGA C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba) iyo Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad) oo ka qeyb-galay munaasabadaasi ayaa u hambalyeeyay hogaanka cusub ee loo doortay Golaha Maskaxshiil, iyaga oo u rajeeyay in uu xilka ku asturo.
Golaha Maskaxshiil oo la aas-aasay 06/07/2017, waa Gole ay ku midoobeen Qorayaal Soomaaliyeed oo isugu jira, Qoraayaal ruug-caddayaal ah, kuwa dhexe iyo kuwa cusub.