Munaasabad loogu ducaynayay Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), ahna Guddoomiye Sharafeedkii Somali Pen Dr. Maxamed Daahir Afrax, uuna soo qaban-qaabiyay naadiga Somali Pen oo kaashanaya Wasaaradda Dhallinta iyo Dhaqanka dawladda Jabuuti ayaa 21/11/2021, waxaa lagu qabtay guriga ummadda ee magaalada Jabuuti.

Wasiirka Dhallinta iyo Dhaqanka Jabuuti Marwo Hibo Muumin Casoowe oo munaasabadaasi ka hadashay ayaa sheegtay in Dr. Afrax uu ahaa masuul waqti badan siiyay horumarinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa, waxaana ay  caddeysay in ka Wasaarad-ahaan ay diyaar u yihiin sidii ay u sii wadi lahaayeen fekradihii uu xambaarsanaa Dr. Afrax ee ku aadanaa horumarinta afka Soomaaliga, iyada oo marxuumka ugu ducaysay inuu Jannada ka waraabiyo.

Sidoo kale , waxaa munaasabaddaasi ka hadlay Danjire Maxamuud Dirir, Marwo Caasho Maxamed Rooble oo ah  Wasiirkii hore ee Haweenka Jabuuti, Cabdi-raxmaan Yaasiin oo La-taliye ka ah Somali Pen, wakiilka AGA ee Jabuuti Dr. Numcaan C/llaahi Qawrax, ruug-caddaa Xaashi C/llaahi Orax iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo ka hadlay taariikhdii iyo aqoontii ay u lahaayeen Dr. Afrax, iyaga oo Alle uga baryay inuu Janndiisa ka waraabiyo.

Munaasabadaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa lagu soo bandhigay muuqaal ku saabsanaa taariikhdii iyo waxqabadkii marxuum Maxamed Daahir Afrax oo 9/10/2021 ku geeriyooday dalka Ingiriiska.