Ku-simaha Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka AGA Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin ayaa maanta oo ku beegan 1/11/2021, waxa ay kulan gaar ah oo loogu hadlayay dar-dargalinta hawlaha Akadeemiye-Goboleedka ay la yeelatay goosan-hawleedka Akadeemiyada ee magaalada Muqdisho.

Kulankaasi oo ka dhacay xarunta ku meel gaarka ah ee AGA ayaa waxaa ka soo qeyb-galay xubnaha kala duwan ee goosanka, waxaana si ballaaran loogu gorfeeyay halka ay marayaan shaqooyinka AGA iyo sidii la isaga kaashan lahaa socodsiinta hawlaha Akadeemiyada, iyada oo mar walba mudnaanta la siinayo shaqooyinka hor-tabinta mudan.

Ku-simaha Guddoomiyaha AGA, Xildhibaan Maryan Cariif oo furitaankii kulankaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay la kulanka xubnaha AGA ee Muqdisho, waxaana ay ku dheeraatay ka sheekaynta dadaalkii uu Dr. Maxamed Daahir ugu jiray badbaadinta Afka Soomaaliga iyo halgankii uu u soo galay dhismaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, iyada oo marxuumka Alle uga bariday inuu Jannada ka waraabiyo.

 “Inkasta oo aan gaareyn waxqabadkii Dr. Afrax ayaa haddana waxaa iga  go’an sidii aan u sii wadi lahaa, isla markaana u horumarin lahaa hawlaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga” ayay tiri Ku-simaha Guddoomiyaha AGA oo xubnaha Akadeemiyada kula dardaarantay in ay ka soo dhalaalaan shaqada laga sugayo.

Ku-simaha Guddoomiyaha ka hor, waxaa halkaasi ka hadlay La taliyaha sare ee Guddoomiyaha AGA Bare sare Mustafa C/llaahi Feyruus oo Guddoomiye Ku-xigeenka ku soo dhaweeyay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho, isaga oo dhanka kale uga warbixiyay halka ay marayaan shaqooyinka Akadeemiyada iyo dadaalka ay xubin walba ugu jirto gudashada waajibaadka ay u xil-saaran  tahay.

Qaar ka mid ah xubnaha  Akadeemiyada oo iyaguna kulankaasi ka hadlay ayaa soo bandhiggay tallooyin wax ku ool ah oo ku saabsanaa  horey u dhigida hawlaha Akadeemiyada, iyada oo kulankaasi uu ku dhammaaday jawi aad u wanaagsan.