Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa lagu wadaa 13 Agoosto 2018-ka in ay u dabaal-degto xuska shan sano guuradii ka soo wareegtay dhalashadii Akadeemiyadaas.
Munaasabdda xafladaasi oo si weyn loo agaasimayo ayaa haatan qaban-qaabadeeda waxa ay ka socotaa magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa munaasbadaasi inay ka soo qey-galaan madax ka tirsan Dawladda Soomaaliya, Xeel dheerayaal ku caan baxay afka iyo dhaqanka iyo marti sharaf kale.
Masuuliyiin ka tirsan maqaawiirta Akadeemiyada Aga oo ka yimid dhanka dibadda iyo Wakiilada Akadeemiyadaas ee maamulada K/Galbeed, Puntland iyo Somaliland ayaa qeyb ka ah masuuliyiinta lagu martiqaaday munaasabadaas qiimaha leh.
Barnaamijyo xiiso badan oo isugu jiri doono taariikhda, waxqabadka iyo horumarka Aga ayaa la filayaa in munaasbadaas lagu soo bandhigo. Sidoo kale qorshuha waxa uu yahay in xafladaasi lagu daawado Filim ka tarjumaya waxtaqabka Aga iyo suugaan ka hadlaysa dadaalka ay Akadeemiyadu ugu jirto daryeelka afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.
Shan sano ka hor ayaa xilligaan oo kale waxaa dalka Jabuuti dhidibada loogu taagay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, taasi oo u xil saarann illaalinta iyo horumarinta afkeena hooyo.















