Akhristayaasha sida joogtada ah ugu taxan Warsidaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa u muuqda maalinba maalinta ka dambaysa inay si xawli leh u sii kordhayaan.

Kumanaan ka mid ah ummadda Soomaaliyeed oo ku kala sugan dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ayaa si baahsan u hela Nuqul ama Caddad walba oo soo baxa kana mid ah Warsidaha Aga.

Qaar ka tirsan akhristayaasha Warsidahaasi oo soo booqday xarunta Warsidaha Aga ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin  tayada, muuqaalka  iyo macluumaadka  faraha badan ee uu xambaarsan yahay Warsidahaasi, waxayna ku taliyeen haddii la kari karo in Warsidahaasi laga dhigo Toddobaadle  ama Bille.

Warsidaha Aga oo ku hadla codka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa  inta badan waxaa lagu soo bandhigaa warar iyo qoraalo ka kooban macluumaad cilmi ah,  aqoon faafin,  dhacdooyin la xiriira hiilka  afka hooyo iyo hal- abuurkiisa,  hoddontimada suugaanta, wanaaga  dhaqanka, waxtarka  naxwaha iyo sheekooyin  kale oo aad u xiiso badan.