Xaflad si ballaaran loo soo agaasimay, looguna talagalay daahfurka buugga Hawaale Warran, ayna ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka socotay Somaliland, madaxda dhaqanka, aqoonyahanno, qorayaal, boqollaal maskax-maal iyo marti sharaf aad u fara badan ayaa habeenkii ay taariikhdu aheyd 16/7/2021, waxaa lagu qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargaysa.

Hadal ay munaasabaddaasi ka soo jeediyeen Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaasha xisbiyada Wadani iyo Ucid C/raxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe ayaa ka warbixiyay taariikhda, waxqabdka iyo doorka uu bulshadiisa ku leeyahay qoraha buugga Hawaale Warran Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), iyaga oo Alle uga baryay caafimaad  iyo cimri dheer.

Sidoo kale, waxaa xafladdaasi ka hadlay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo dhinaca qadka uga qeybgalay munaasabaddaasi, Macallin Saciid Saalax Axmed oo ah Wakiilka AGA ee Waqooyiga Ameerika iyo qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, kuwaasi oo ka sheekeeyay aqoonta ay u leeyihiin abwaan Hadraawi, iyaga oo iftiimiyay in si farshaxannimo ah loo qorey murtidii ka soo maaxday maskaxda uu Alle ku mannaystay abwaankaas.

Maxamed Saleebaan Cumar oo ah soo saaraha iyo tafaftiraha buugga Hawaale Warran ayaa sheegay waqti badan in ay galiyeen garaacsita, habaynta iyo soo saarista buugaasi, waxaana uu caddeeyay in uu ku farxsan yahay soo bandhiggida buugaasi, isaga oo u mahadnaqay intii gacan ka gaysatay soo saarista iyo daabacaadda buugaasi.

Buugaan la magac baxay Hawaale Warran, waxa uu ka kooban yahay lix cutub oo kala duwan iyo 234 bog, waxaana la diyaarinayay muddo ka badan toban sanno, iyada oo la tilmaamay qof kasta oo Soomaali ah in uu buugaasi anfici doono, kana heli doono waayihii iyo sooyaalkii nololeed ee abwaan Hadraawi.