Tartankii gabayada ee sida xiisaha badan uga socday magaalada Buuhoodle ayaa habeenkii ay taariikhda ku beegneyd 16/7/2021, waxaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay magaaladaasi, iyada oo tartankaasi uu noqday madal ay dhallinyaro badan ku soo bandhigeen hibada ay u leeyihiin dhanka gabayada.

Munaasabaddii xiritaanka tartankaasi ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madax ka socotay dhinaca dhaqanka, abwaanno, qorayaal, saxafiyiin iyo marti sharaf aad u badan, waxaana intii uu socday tartankaasi ka qeyb-qaatay 30 tartame, kuwaasi oo soo bandhiggay gabayo aad loo jecleystay.

Gunaanadkii tartankaasi, waxaa lagu abaalmariyay sedexdii abwaan ee kaalimaha hore ka galay, waxaana kaalinta koowaad ku guuleystay Cabdullaahi Faarax Odowaa, halka ay kaalinta labaad iyo tan sedexaad ay kala galeen Khadar Maxamed  Cismaan iyo C/rashiid Axmed Yuusuf.