Magaalada Buuhoode ayaa maanta oo ku beegan 15/7/2021 waxaa si rasmi ah looga furey tartan ku saabsan dhanka gabayada, iyada oo tartankaasi ay ka qeyb-qaadanayaan abwaanno isugu jira rag iyo dumar Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada tartankaasi Jaamac Garbiye ayaa sheegay tartankaasi in ay ka qeyb-galayaan in ku dhaw 30 dhallinyaro ah oo soo buuxiyay shuruudihii loo dhigay tartankaasi, waxaana uu caddeeyay in uu socon doono laba maalmood, isaga oo iftiimayay dadka kaalimaha hore ka gala tartankaasi in la siin doono abaalmarinno kala duwan.
Tartankaas oo aad u xiiso badan ayaa furitaankiisii waxaa goob joog ka ahaa abwaanno caan ah, hal-abuurro waaweyn iyo marti sharaf aad u badan oo qaarkood ka yimid dhulalka ay Soomaalidu degto.















