Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo hay’adda PDRC ee Cilmibaarista iyo Horumarinta ayaa maanta oo ku beegan 28/6/2021, waxa ay xarunta PDRC ee magaalada Garoowe ku yeesheen kulan aad muhiim u ah, kaas oo looga wada xaajoonayey iskaashiga iyo wada shaqaynta labada xarun-cilmiyeed.
Kulankaas ay yeesheen hoggaanka AGA oo uu hormuud u ahaa Guddoomiyaha Akadeemiyada, Dr. Maxamed Daahir Afrax, iyo madaxda PDRC oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Guud, Mudane Cali Faarax, waxaa lagu falanqeeyey qodobbo badan oo muhiim u ah shaqada labada dhinac, siiba dhinacyada ay ka midaysan yihiin iyo ujeeddooyinka ay u taagan yihiin labada hay’adood.
Qodobbada laga wadahadlay waxaa ka mid ahaa inay labada dhinac iska kaashadaan arrimaha cilmi-baarista iyo aqoon-faafinta ku saabsan Af-soomaaliga, dhaqanka iyo hal-abuurka. Waxaa si weyn la isula jeexjeexay dhibaatadii arrimahaas iyo guud ahaanba aqoonta dadkeenna ka soo gaadhey burburkii iyo qarnjabkii dhacay iyo baahida loo qabo in la hirgaliyo barnaamijyo looga soo kabsan karo dhibaatooyinkaas iyo dib u dhaca ka dhashay.
Labada dhinac waxay isla qireen in Af-Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa, oo ah tiirdhexaadka dhaqanka iyo aqoonta, uu noqon karo furaha nabadaynta iyo horumarinta dhinac kasta leh; Sidaa awgeed inay muhiim tahay in lagu wada dadaalo daryeelka iyo ka faai’deysiga afka hooyo.
Gunaanadkii kulanka, labada dhinac waxay isku afgarteen inay kala saxiixdaan heshiis iskaashi iyo wada shaqayn, kadibna wadajir ugu hawlgalaan fulinta qodobbada heshiiskaas.
Ugu dambayntii Guddoomiyaha AGA, Dr. Afrax wuxuu xarunta PDRC guddoonsiiyay dhiganayaal xambaarsan xogta iyo waxqabadka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, waxaana ka guddoomay Agaasimaha PDRC, Md, Cali Faarax, iyada oo kulankaasi uu ku soo dhammaaday jawi degan.















