Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) waa xarun cilmiyeed loo abuuray daryeelka iyo horumarinta Af-Soomaaliga iyo suugaantiisa, taariikh-ahaan sannadkii 2013 ayaa lagu unkay Jabuuti, waxaana ku bahoobay Dalalka Geeska Afrika ee Afka Soomaaliga looga hadlo, xarunteeduna waa Muqdisho.
Himilada Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaligu waa Af-Soomaaliga oo halista ka badbaada, adeegsigiisa la saxo lana xoojiyo, lagana dhigto nabad-side wallaaleeya Soomaalida iyo idil ahaanba ummaddaha Geeska Afrika.
Dhawaan ayay Akadeemiyadaasi u soo bandhigtay bulshada ku hadasha afka Soomaaliga Filim si kooban uga tarjumaya qeybo ka mid ah taariikhda, aasaaska iyo waxqabadka Aga, soo bandhigida filimkaasi oo aad loola dhacay daawasho wanaagsan.














