Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa shalay oo ku aadaneyd 12/10/2020-ka, waxa uu hoygiisa magaalada Muqdisho qado-sharaf ugu sameeyay madaxda, maqaawiirta iyo xubno ka mid ah Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.

Munaasabaddii qadadaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa dhinaca AGA ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiye Ku-xigeenka AGA Xildhibaan Maryan Cariif, Bare sare Cabdalla Mansuur iyo Qoraa sare Axmed Faarax (Idaajaa) oo ka mid ah maqaawiirta Akadeemiyada, Bare sare Mustafa Feyruus, Lataliyaha sare ee AGA iyo xubno kale oo ka mid ah bahda Akadeemiyada.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Afsoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir ayaa ugu horeyntii is-baray bahda AGA iyo Wasiir Cawad, waxaana uu Wasiirka uga war-bixiyay ruux walba taariikhdiisa oo kooban iyo kaalintiisa dhinaca hawlaha Akadeemiyada, isaga oo dhanka kale xubnaha AGA la wadaagay waayaha nololeed ee Wasiir Cawad, gaar ahaan waxqabadkiisa iyo doorkiisa ku aadan hiilka afka, dhaqanka iyo hal-abuurka.

Dhanka kale Dr. Afrax wuxuu martida u iftiimiyey khibradda iyo aqoonta qotada dheer ee Danjire Axmed Ciise iyo kaalinta hormuudnimo ee uu kaga jiro houmarinta aqoonta iyo ilaalinta afka hooyo.

Wasiir Cawad oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka ehelada afka, dhaqanka iyo hal-abauurka, waxaana uu tilmaamay inay sharaf u tahay inuu soo dhaweeyo dad isugu jira macallimiintiisii iyo qorayaal uu xiiseeyo qoraalladooda iyo habka tabintooda hal-abuurka.

“Wax la isku barto waxaa ugu fiican aqoonta, macno gaar ah ayay ii leedahay inaan idinla kulmo, sharaf ayay ii tahay inaan maanta halkaan wada joogno, waxaan jecelahay inaan idinka mid ahaado oo aan buugaagta akhriyo, isla markaana aan idinku biiriyo wixii fekrado ee aan hayo” ayuu yir Wasiir Cawad oo dhanka kale sheegay maskaxmaalka AGA iyo dadaalka ay soo kordhiyeen in uu astaan u yahay inuu dalku ku sii tallaabsanayo nabadgelyo iyo horumar.

Munaasabaddaasi waxaa iyaguna ka hadlay Xildhibaan Maryan Cariif, Cabdalla Mansuur, Idaajaa iyo Mustafa Feyruus, kuwaasi oo sheekooyin xiiso badan la wadaagay akhyaartii goob-joogga ahayd.

Qado sharaftaas oo aad looga helay ayaa waxa la isku dhaafsadey fekrado, sheekooyin iyo maad qosol badan, waxaana ay ku soo gaba-gabowday jawi farxad badan leh.