Home Wararka AGA Madasha AGA oo lagu Falanqeynayo Xaaladda Adeegsiga AfSoomaaliga & Aaladaha Warbaahinta Wararka AGA Madasha AGA oo lagu Falanqeynayo Xaaladda Adeegsiga AfSoomaaliga & Aaladaha Warbaahinta October 2, 2020 Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxa ay kugu martiqaadaysaa Madasha AGA oo qabsoomaysa Sabtida ugu horreysa ee bisha Oktoobar oo ku beegan 3/10/2020-ka. Mawduuca waa: Adeegsiga AfSoomaaliga & Aaladaha Warbaahinta: Shalay, Maanta& Berri. Madasha waxaa furaya, kana faalloonaya Xildhibaan Khaalid Macoow C/qaadir oo ah Guddoomiyaha Guddiga Warbaahinta, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna xeeldheere saxaafadeed iyo bare sare oo ka tirsan Kulliyadda saxaafadda ee JUS. Mowduuca waxaa soo jeedinaya xeeldheerayaasha: 1. Md. Axmed Faarax Cali “Idaajaa”, Qoraa iyo Suugaanyahan 2. Md. Cabdinuur Sh. Maxamed Isaxaaq, Ruugcaddaa Saxaafadeed Waxaa xiriirinaya: Md. Burhaan Axmed Daahir, Suxufi & tababbare, Guddoomiyihii hore ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (ex-NUSOJ) & Aasaasihii Ururka Suxifiyiinta Puntland (MAP) Taariikh: 3/10/2020 Sabti Saacad: 7:00 – 9:00 fiidnimo, Waqtiga Bariga Afrika Kaga soo qaybgal Barta ZOOM ama kala soco Facebook TOOS (LIVE) Kulanka Zoom-ka kaga soo qaybgal – Join Zoom Meeting https://us02web.zoom.us/j/7866050646 Meeting ID: 786 605 0646 Ka soo qayb-galkaagu waa muhiim MAQAALLO LA XIDHIIDHADHEERAAD AH OO KA SOO QORAAGA Arday Jaamacadeed oo Aqoonkororsi u timid Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Muxaadaro lagu Qabtay Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Tababbarkii u Socday Bahda Madbacadaha Dalka oo la soo Gabagabeeyay Xulka Maqaallada Doodda Qabyannimada Farta Af Soomaaliga (Shaqallada & Shibbanayaasha) May 12, 2026 FALANQEYNTA KULALIHI (W/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI) November 5, 2025 Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka! October 28, 2025 Hayaan iyo Hugun October 25, 2025 Tacliinta Sare iyo Afka Hooyo October 12, 2025 Maqal iyo Muqaal Daawo: Xafladdii Daahfurka Ereybixinta Amniga Saybarka (Cyber Security) oo lagu qabtay... June 3, 2026 Daawo: Madaxa Naxwaha AGA Barasare Cabdalla Mansuur oo Sharraxaya Ereybixinta... April 5, 2026 Daawo Xafladii Maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Xarunta Akademiya Goboleedka... February 22, 2026 Daawo: Guddoomiye Kuxigeenka AGA oo Akhrinaya Warmurtiyeedka Fadhigii Wasiirrada iyo Kalfadhigii... February 13, 2026 Daawo: Ra’iisulwasaare Kuxigeenka Soomaaliya oo soo Xirey Fadhiga Wasiirrada & Kalfadhiga... February 12, 2026