Waxaan Alle uga baryayaa inuu ka raalli noqdo Cabdulqaadir Maxamed Mursal, oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Mareykanka!. Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Mursal wuxuu ahaa ruug-caddaa saxaafadeed & qoraa caan ka ah Gayiga Soomaaliyeed. Wuxuuna ka soo shaqeeyay Warfaafinta Soomaaliya xilligii Dawladdii Soomaaliya ee Ciidammadu ay hoggaaminayeen. Wuxuuna ka soo shaqeeyay waaxyo kala duwan oo ka mid ah Wasaaraddii Warfaafinta ee Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Mursal 1973 ayuu shaqaale ka noqday Raadiyoow Muqdisho. Wuxuuna shaqada Warbaahinta ku billaabay Farsama-yaqaannimo. Wuxuuna ka shaqayn jiray Istuudiyayaasha Raadiyoow Muqdisho. 1980 ayuu u sii dallacay wariyennimo. Isagoo markaas Raadiyow Muqdisho ka noqday war-tabiye iyo barnaamij soo-jeediye.

Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Mursal wuxuu hibo & xirfad sare u lahaa sheeko-qorista. Isagoo 1981 qoray Sheekadii caanka ahayd ee la magac-baxday “OLOL IYO HOOYADII”. Sheekadaas oo Raadiyoow Muqdisho ka bixi jirtay waayahaas ayaa waxaa jilaaga koowaad ka ayaa Alle ha u naxariistee Axmed Iinshaar Cabdi (Olol), oo ka tirsanaa Hobollada Waabberi. Alle ha u naxariistee Axmed Iinshaar Cabdi waxay naynaasta olol ugu baxday sheekadaas Olol iyo hooyadiis oo uu ku matalayay Olol. Waxaana jiliddeeda kaalinta labaad kaga jirtay Naadiyo Cali Cilmi, oo farsamo-yaqaanad ka ahayd Raadiyow Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Mursal wuxuu ahaa nin hor-u-socod dadaal badan ah. Wuxuuna isku watay shaqadiisa warfaafineed iyo barashada tacliintiisa sare. Sannadkii 1984 ayuuna ka qalin-jabiyay Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacaddii Lafoole. Wuxuuna markaas ka dib noqday madaxa Raadiyo Muqdisho.

Taariikhdaas kooban ee Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Mursal, Waxaan ka soo xog-waraystay ruug-caddaa saxaafadeed Abshir Maxamed Aadan iyo Xasan Abuukar Cali (Xasan-baydhabo), oo labaduba ka mid ahaa wariyayaashii Raadiyow Muqdisho ay ka soo wada shaqeeyeen Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Mursal.

Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxammed Mursal xilligii burburka wuxuu ku hawlannaa horumarinta xirfadaha Af-Soomaaliga kobciya oo ay ka mid yihiin Qoraalka iyo Warfaafinta. Intaan Alle oofsan wuxuu degganaa Magaalada Miniyaabulis ee Dalka Mareykanka. Halkaasoo uu wax ka aas-aasay oo uu madax ka noqday, sida aan ka soo xigtay Bashiir Maxamed Warsame (Al-bashiir), oo ah Wariye Soomaaliyeed oo ku nool Mareykanka oo idaacaddaas ay ka soo wada shaqeeyeen.

Geeridu waa xaq aan ku wada xukumannahay!. Hayeeshee dhimashada Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Mursal waxay dayr adag ka bannaysay Hiilka Af-Soomaaliga iyo Hal-abuurkiisa!. Waxaan Alle ka baryayaa inuu naxariis iyo dambi-dhaaf ku gallado Cabdulqaadir Maxamed Mursal. Innagana Alle gadaashiis nama fidneeyo!.

Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii, carruur, xaas & ehelba, uu ka baxay Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Mursal. Waxaan sidoo kale geerida Cabdulqaadir Maxamed Mursal uga tacsiyaynayaa guud ahaan Bahda Af-Soomaaliga iyo Hal-abuurkiisa. Gaar ahaan saaxiibadiisa ay ka mid yihiin farsama-yaqaannada, wariyayaasha, qoreyaasha iyo hal-abuurka kale ee Soomaaliyeed!. Alle ha u naxariistee Walaalkeen Cabdulqaadir Maxamed Mursal. Samir buuxana Alle ha naga wada siiyo!.

WAXAA DIYAARIYAY:- CALIDEEQ MAXAMMED XAASHI.