Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxa ay kugu martiqaadaysaa Madasha AGA oo qabsoomaysa Sabtida ugu horreysa bisha Sebtembar 2020, taasi oo lagu gorfeyn doono Mawduuc uu hal-ku-dhiggiisu yahay “Xaaladda AfSoomaaliga ee DDS, gaar ahaan Adeegsiga Rasmiga ah ee Maamulka, Waxbarashada & Adeegga Guud”.

Madashan oo aad u xiiso badan, waxaa soo jeedinaya:-
1- Macallin Maxamuud Maxamed Cabdillaahi oo ah Madaxa Machadka Daraasadka Af-Soomaaliga & Suugaanta, Jaamacadda Jigjiga, ahna wakiilka AGA ee Itoobiya
2- Dr. Cabdinaasir Axmed Ibraahim cilmibaare ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa, ahna Kuxigeenka Guddoomiyaha AGA.
Waxaana hagaya Md Maxamed Xasan “Cirro”, Xarunta Dhaqanka ee Awjaamac, Nayroobi; ahna Wakiilka AGA ee Kiinya.

Taariikh: 5/9/2020 Sabti
Saacad: 7:00 – 9:00 fiidnimo, Waqtiga Bariga Afrika
Kaga soo qaybgal Barta ZOOM ama kala soco Facebook LIVE
Kulanka Zoom-ka kaga soo qaybgal – Join Zoom Meeting
https://us02web.zoom.us/j/7866050646
Meeting ID: 786 605 0646
Ka soo qaybgalkaagu waa muhiim