Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa guud ahaanba ummaddaha Islaamka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda sannadka cusub ee Hijriga Islaamka ee 1442.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo hadalkiisa sii wata ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyey inay sannadkan sannadkiisa kale ku gaaraan barwaaqo, kana miro dhaliyaan hiigsigooda ku aadan dhinaca horumarka.
Maanta oo ku beegan 20/8/2020 ayuu caalamka ka bilowday sannadka cusub ee Hijriga 1442 , sannad walba maanta oo kale ayay muslimiinta dunida u dabaal-degaan maalintii Hijrada.