Munaasabad loogu tala-galay soo bandhigida buug cusub oo uu qorey wadaad caan oo la yiraahdo Shiikh Maxamed Idiris, ayna soo qaban-qaabisay Xarunta Horumarinta Qoyska ee Gurya-samo ayaa galabta oo ku beegneyd 12/8/2020 waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madax ka kala socotay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Somali Pen, xarunta Gurya-samo, Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, Golaha Abwaannada, Naadiyada Akhriska iyo Qoraalka, bahda Waxbarashada iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan.
Qoraha buugga “Jaceylka Dhabta ah Goormuu Dhashaa” Shiikh Maxamed Idiris oo aaladda fogaan aragga ee loo yaqaanno Zoomka kala hadlayay ka qeyb-galayaashii bandhigga buugiisa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ballaaran ee looga soo qeyb-galay Daah-furka buugiisa ee magaalada Muqdisho.
Shiikha oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay dhiganahani in uu ka mid yahay 11 dhigane oo uu ku qorey afka Soomaaliga, waxaana uu si faah-faahsan uga hadlay sababihii ku dhaliayay qoraalka buugaan ka hadlayo arimaha Jaceylka, isaga oo u mahad-celiya xarunta Gurya-samo oo buugiisa soo bandhigtay.
Farxiyo Muxyadiin Lama-filaan oo ku hadlaysay magaca xarunta Gurya-samo ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso dhammaan ka qeyb-galayaasha xafladdaasi, waxayna sawir kooban ka bixisay adeegyada ay qabato xaruntooda oo ay ka mid tahay qabashada bandhigyada buugaagta, iyada oo u mahad-naqday Shiikha qorey buugga ay soo bandhigeen.
Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi ka hadlay Madaxa Tababbarada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) C/llaahi Shiikh Cabdi Aadan {Gacanka} iyo Guddoomiyaha laanta Somali Pen ee Muqdisho Cabdi-naasir Yuusuf Macallin oo ugu horeyntiiba bogaadiyay qoraha buugga, waxayna si qoto dheer uga hadleen muhiimada uu afka Soomaaligu u leeyahay qoraalka buugaagta, iyaga oo bulshada Soomaaliyeed u soo jeediyay inay dhaqan ka dhigato akhtriska iyo qoraalka buugaagta.
Ustaad Barre Shiikh C/llaahi (Bangaladesh) oo ka socday Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta iyo Md, Jamaal Cabdi Nuur oo matalayay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa iyaguna munaasabaddaasi ka soo jeediyay warbixin la xiriirta sida loogu baahan yahay in loo kordhiyo qoraalka buugaagta, iyaga oo codsadey in la akhriyo buugaagta, si ay dhiiri-galin ugu noqoto qorayaasha Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah ka qeyb-galayaashii munaasabaddaasi ayaa halkaasi ku qaatey nuqullo ka mid ah buugaasi, iyaga oo sheegay inay ku faraxsan yihiin helida buugaasi.














