Munaasabad lagu maamuusayay Daah-furka dhigane cusub oo la magac baxay Hal-Adeyg, ayna ka soo qeyb-galeen Masuulyiin kala duwan, bahda akhriska iyo qoraalka, ururrada dhallinyarada, ardayda Jaamacaddaha iyo marti sharaf kale ayaa 8/8/2020-ka waxaa lagu qabtay hoolka Jaamacadda Kasmo ee magaalada Muqdisho.
Hadal ay munaasabaddaasi ka soo jeedisay qoraha dhiganahaasi Qaali Muuse Nuunne ayaa sheegtay inay dadaal dheer u soo gashay sidii ay u soo saari laheyd dhiganahaasi, waxayna si kooban sawir guud uga bixisay qeybaha uu ka kooban yahay dhiganahaasi, iyada oo u mahad-celisay Maamulka Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed oo gacan weyn ka siiyay soo saarisata buugeeda.
Guddoomiyaha Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed Al-ustaad Cali Suudi Nageeye oo isna ka hadlay xafladdaasi ayaa sheegay inuu Qoraa Qaali Muuse Nuunne uu ku bogaadinayo soo bandhiggida buugeeda ay bulshada ku soo biirisay, waxaana uu tilmaamay buugeeda inuu dhallinyarada Soomaaliyeed ka caawin doono maareynta caqabadaha nolosha iyo sidii ay u abuuri lahaayeen shaqsiyad hal-adag oo nolosha guul ka gaari karta.
“Dawaladda Fedraalak iyo Bulshada Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqaynaa in ay ka qeyb-qaataan dhiirrigelinta howlaha lagu hor marinayo akhriska iyo qoraalka, si loo kobciyo garaadka jiilka xilligan joogo iyo kan dambe” ayuu yir Cali Suudi Nageeye.
Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb-galay munaasabaddii daahfurkaasi ayaasheegay inay qoraa Qaali Muuse Nuunne ay ugu hambalyeeynayaan soo saarista buugeeda qiimaha badan.