Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa guud-ahaan shucuubta Islaamka ah, gaar haan ummadda Soomaaliyeed waxa uu ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo.

Dr. Afrax ayaa shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u rajeeyay inay ku ciidaan farxad, baraare, nabad iyo amni buuxa, waxaana uu dadka Soomaaliyeed ku dhiirri-geliyay in la caawiyo dadka tabarta yar, si ay uga qeyb-qaataan maalmaha farxadda Ciidda.

Ugu danbayntii, Guddoomiyaha AGA waxa uu Alle ka baryay in Ciiddan Ciiddeeda kale uu ummadda Soomaaliyeed ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.