Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxa ay kugu martiqaadaysaa Madasha AGA ee bisha Agoosto 2020, taasi oo lagu gorfeyn doono dood cilmiyeed ku saabsan Xaaladda Adeegsiga AfSoomaaliga ee dhinacyada Maamulka & Ganacsiga.

Dood cilmiyeedkaas waxaa soo jeedinaya Macallin Siciid Saalax Axmed, abwaan & xeeldheere AfSoomaaliga & suugaantiisa; waxaa faallaynaya Ambaasadoor Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaana hagaya Cilmibaare Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka ee Qaaradda Yurub.

Madasha AGA ee Bisha Agoosto waxay leedahay xiisaheeda gaarka ah, waxaana la qaban doonaa:-
Taariikh: 8/8/2020 SABTI 7:00 – 9:00 fiidnimo, Waqtiga Bariga Afrika
Kaga soo qaybgal Barta ZOOM ama kala soco Facebook LIVE
Kulanka Zoom-ka kaga soo qaybgal – Join Zoom Meeting
https://us02web.zoom.us/j/7866050646
Meeting ID: 786 605 0646
Ka soo qayb-galkaagu waa muhiim