Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxa ay kugu martiqaadaysaa Madasha AGA ee bishan Luulyo 2020, taasi oo lagu gorfeyn doono dood cilmiyeed uu hal-ku-dhiggiisu yahay Dhigaalka Afka Soomaaliga, iyada oo si gaar ah diirada loogu saari doono Dhibaatooyinka Jira & Dhabbaha Xal- loogu heli karo.
Mowduucaas xiisaha badan waxaa falanqeyn doono xeeldheeraal AfSoomaaliga, waxaana hagaya Prof. Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon oo ah Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka ee Qaaradda Yurub.
Dood cilmiyeedkaas qiimaha badan ayaa waxa ay Akadeemiyadu ku casuumaysaa inay ka soo qeyb-galaan dhamaanba aqoonyahanka iyo waxgaradka daneeya afka hooyo iyo hal-abuurkiisa, kaasi oo la qaban doono Taariikhdu marka ay tahay 18/7/2020 oo ku beegan Sabtida 7:00 – 9:00 fiidnimo.
Kaga soo qayb-galka barnaamijkaas Barta ZOOM ama kala soco Facebook LIVE, Kulanka Zoom-kana waxa aad kaga soo qaybgali kartaa -Join Zoom Meeting.
https://us02web.zoom.us/j/7866050646
Meeting ID: 786 605 0646
Ka soo qaybgalkaagu waa inoo muhiim














