Iyada oo la tixgalinayo toddobaadkii maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 2020-ka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu 26-kii Juun xariga ka jaray Golaha Murtida iyo Madadaalada (National Theatre), isaga oo ku bogaadiyey ganacsatada iyo shaqaalaha Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in laga wada qeyb-qaato Olalaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey hobollada iyo hal-abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo u iftiiminta Dowladnimada, maadaama sannado badan kaddib dib loo dhisay Xaruntii Golaha Muritda.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo waxa uu kowdii Luulyo 2020-ka xarigga ka jaray Madxafka Qaranka, waxaana uu ku bogaadiyey dhallinyaradii isu xilqaamay dib u dhiska Madxafka, ganacsatada iyo shaqaalaha Dowladda ee ku guuleystay dib u dhiska xaruntaas.
“Soomaali waa nooshahay, awood ay dib ugu soo laabatana waa leedahay, waa dal hodon ah oo dadkiisu ay leeyihiin karti iyo hal abuur, waxa kaliya ee aan u baahan nahay waa midnimo iyo in la xoojiyo wadaniyadda, isxilqaanka iyo ka shaqeynta danta guud.”ayuu yiri Farmaajo.
Madaxaweynaha oo labadaas goobood ka jeediyay hadal dar-daaran ah ayaa bulshada Soomaaliyeed kula dar-daarmay in ay xil iska saaraan sidii ay u xafidi lahaayeen goobaahsi taariikhiga ah!
Tiyaatarka iyo Matxafka Qaranka ayaa ka mid ah Xarumaha loogu tala galay in lagu kobciyo Aqoonta iyo Dhaqanka dadka Soomaaliyeed!















