Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa gaarsiisay agab waxbarasho deegaanka loo yaqaanno Toore oo ka tirsan Degmada Hobyo, kaddib markii halkaasi laga hirgaliyay dugsi waxbarasho oo ay ka faa’ideysanayaan caruurta deegaankaasi.
Hanad Cabdi Cali oo ka mid ah masuuliyiintii ka socday Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa sheegya in agabka ay  gaarsiiyeen dugsigaasi uu yahay Manhajikii wax lagu bari lahaa ubadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi, wuxuuuna xusay inay Wasaaraddoodu  xoogga saari doonto sidii Waxbarasho loogu heli  lahaa caruurta kale ee ku nool Deegaannada kale ee Galmudug oo aan wali haysan waxbarasho .
Hirgalinta Dugsiga Hoose Dhaxe ee deegaankaasi ayaa qeyb ka ahaa qorshaha dar-dargelinta waxbaridda u badka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada Galmudug.