Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa munaasabadda 60-guuradii ka soo wareegtay dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya awgeed waxa ay dhambaal hambalyo ah u dirtay guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan.
Prof. Afarx oo ku hadlayay magaciisa iyo kan Akadeemiyada ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xuska maalinta xorriyadda ee 1-da Luulyo, waxaana uu iftiimiyay gobannimada maanta la haysto in loo soo maray halgan dheer, isaga oo ummadda u rajeeyay inay sannadkaan kiisa kale ay ku gaaraan nabad, horumar iyo jawi farxad leh.
Sannad walba marka la gaaro 1-da Luulyo ayaa guud ahaan wadanka Soomaaliya waxaa looga dabaal degaa xornimadii Gobollada Koonfureed iyo waliba israacii Waqooyi iyo Koonfur oo si shuruud la’aan ah u dhaliyay Jamhuuriyadda Soomaaliya.