Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta iyo xubnaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed, loogana hadlayay dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta oo ku beegan 15/6/2020, waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Hadal ay munaasabaddaas ka soo jeediyeen Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed, Guddoomiyaha Geed-fadhiga Golahaas Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf iyo Afhayeenka Golahaas Abwaan Cismaan C/llaahi Guure ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti, iyaga oo ku celceliyay in aaney raali ka aheyn in la burburiyo Dawladda Jabuuti oo soo garab istaagtay ummadda Soomaaliyeed tan iyo intii ay burbursaneyd.

“Dalka Jabuuti waa wadan ay lex-jeclo naga hayso, Jabuuti wixii ka halaabo Soomaaliya ayay ka halaabeen, waa hoy aan ku wada hirano, waana halka dal ee dhisan oo ay Soomaali leedahay, waxaan ku boorinaynaa walaalaheena reer Jabuuti inay ku waano-qaataan wixii Soomaaliya ka dhacay, xaqiiqdii Jabuuti waa dhul nabaddeed oo aan marnaba u ogolaan karin in qalalaase laga abuuro” ayay yiraahdeen masuulyiintaasi ka tirsan Golaha Abwaannada Soomaaliyeed.

Gabagabdii kulankaasi ayaa Golaha Abwaannada waxa ay ummadda reer Jabuuti ugu baaqeen in ay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka dhexdooda ah, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo dib u dhac u keeni kara shacabka wadankaasi.

Kulankaasi oo ku dhacay jawi aad u wanaagsan ayaa intii uuu socday waxaa lagu soo bandhiggay suugaan isugu jirtay Gabayo, Guurow, Shirib iyo Buraanbur lagu hoga tusaaleynayay shacbiga reer Jabuuti.

Dawladda  iyo shacbiga reer Jabuuti ayaa taageero hiil iyo hooba leh la garab taagnaa Soomaaliya tan iyo intii ay burbursaneyd.