Maamulka Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan bahda akhriska iyo qoraalka ayaa shalay oo ku beegneyd 9/6/2020 waxa ay deeq buugaag ah gaarsiiyeen xarunta gabdhaha agoonta Degmada Boondheere ee G/Banaadir.

Guddoomiyaha Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed Cali Suudi Nageeye oo ka hadlayay munaasabaddii bixinta buugaagtaasi ayaa sheegay in Buugaagta ay ku wareejiyeen xarunta gabdhaha agoonta Degmada Boondheere  in ay dhan yihiin 150 buug, waxaana uu caddeeyay buugaagtaasi in loogu talo-galay in la dhigo maktabadda xarunta waxbarashada gabdhaha agoonta Boondheere si ay aradaydu u akhristaan.

Maamulaha xarunta gabdhaha agoonta Degmada Boondheere Nuurto Maxamed Caddow oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay buugaagataasi ka faa’iideysan doonaan 700 oo gabdhood oo ku jirta xarunta Boondheere, iyada  soo dhaweysay dadaalka Midowga Qorayaasha ee ku aadan sidii caruurta Soomaaliyeed loogu bar-baarin lahaa akhriska iyo qoraalka.