Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa ka tacsiyeeysay geerida ku timid Allaha u naxariistee fannaankii caanka ahaa marxuum Cabdi Tahliil Warsame oo habeennimadii xalay oo ku beegneyd  5/6/2020 ku geeriyooday cisbitaal ku yaallo duleedka magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ku hadlayay magaciisa iyo magaca Akadeemiyada ayaa sheegay inuu tacsi u dirayo qoyskii, eheladii, asaxaabtii, hobalada Waaberi iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Cabdi Tahliil oo ka tirsanaa tiirrarka Hobolada Waaberi, isaga oo Alle uga baryay inuu Jannadiisa ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Cabdi Tahliil ayaa ahaa Fannaan si weyn looga yaqaanno gayiga ay Soomaalidu degto, waxaana uu sannaddihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.