Af Soomaaligii oo in dheerba afaf qalaad ay weerar ba’an iyo xasuuq cad ku haayeen, ayaa hadda waxaa dhaawac culus la jiifa laba eray oo kala ah, GARAAWSHIYO & GALIIN! Oo iskaashi dheer ka dhexeeyay!
Waxaa erayadaas weerar qaawan oo gar-dara ah ku soo qaaday eray English ah oo loo yaqaano “APOLOGISE”.
Waxaa dhacday in erayga APOLOGISE uu erayada GARAAWSHIYO & GALIIN uu magaalooyinkii waaweynaa horay ugu weeraray kana saaray, ka dib markii uu garab ka helay qolooyin aqoon sheegta oo u heelan in ay afafka qalaad gardaro cad ku garab is-taagan!
Labadaa eray, ayaga oo dhaawac fudud ah ayay miyiga fog u carareen, hayeeshee, hadana miyigii ayuu uga daba tegay oo waxaa hadda adeegsada erayga APOLOGISE odayaashii dhaqanka oo erayada GARAAWSHIYO & GALIIN ay horay u hoos galeen una megen galeen!
Odayaasha dhaqanka iyo suugaanleydu waa dhufeyska ugu dambeeya ee ay hiddaha, dhaqanka iyo afka hooyo ku badbaadi lahaayeen!
Waxa aad maqleysaa oday tuula joog ah oo lah: waxa aan APOLOGISE ka bixinayaa!
Yaab!
Bal maxaa u diidan in uu yiraahdo waxa aan GALIIN ka ah GARAWSHIYANA ka bixinayaa…….!
Hadda erayada GARAAWSHIYO & GALIIN ayaga oo dhaawac culus ah ayaa waxaa laga sheegaayay in ay geed hoostiis ka cabaadayeen kuna biya la’aayeen!
Ayaga oo ku qeylinaya TOLAAYEEY!
Ma aqaano hadii la badbaadin karo iyo hadii ay daba gelayaan walaalahoodii horay loo xasuuqay!
100-kii sano ee la soo dhaafay waxaa afaf qalaad naga xasuuqeen dhowr kun oo eray, garsoorna weli looma helin!