Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga, taasi oo maanta ku beegan maalintii koowaad ee dabaaldegga ciiddaas.
Dr. Maxamed Daahir ayaa Alle uga baryey shucuubta Islaamka ah, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed in uu ka aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd oo ay soo guteen intii lagu guda jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan, isaga oo u rajeeyay in sannadkaan, kiisa kale uu ku gaarsiiyo nabad iyo horumar.
Guddoomiyaha AGA ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed farxadda Ciidul Fidriga awgeed in uu qof kasta gacan ka geysto farxad-gelinta dadka tabaaleysan.
Ciidda loo yaqaanno Ciidul Fitriga ayaa waxay ka mid tahay labada ciiddood ee uu Alle siiyay ummaddaha Islaamka ah.