Dhismaha xaruntii Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo horey ay u dhagax dhigeen Madaxweynaha Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md, Xasan Shiikh ayaa muddo dheer ka dib haatan lagu guuleystay in dhismaheeda laga bilaabo magaalada Muqdisho.

Munaasabad kooban oo loogu talagalay ambaqaadka dhismahaas ayaa 6/5/2020 waxaa lagu qabtay goobta laga dhisayo xaruntaas, waxaana ka soo qeyb-galay madax ka socotay maamulka G/Banaadir, Guddoonka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo masuuliyiin kale oo lagu casuumay munaasabaddaas.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka qeyb-qaadanayay shaqadii ugu horeysay ee dhismaha xaruntaas ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in ugu dambayntii la dhaqaajiyey hawshaan oo halgan dheer loo soo galay iyo inuu Alle uga mahadcelinayo inuu goobjoog ka yahay, kana qaybqaadanayo.

“Maanta waa maalintii in dhawaale noloshayda ugu farxadda badnayd, maalinkan Allaha weyn ayaa run ka yeelay riyadaydii aan sannadaha badan ka daba rafanayey, taasi oo aheyd in aan mar uun arko dhismihii xarunta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo laga dhabeeyey” ayuu yiri Dr. Afrax oo sheegay inuu si kal iyo laab ah uu ugu mahadcelinayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle oo gacan hagar la’aaneed ka gaystay hiilka uu la garab taaganyahay afka hooyo iyo Akadeemiyadiisa.

Dr. Afrax oo hadalkiisa sii wata ayaa iftimiyay in Afku uu yahay asaaska jiritaanka ummadnimo, Akadeemiyadiisuna ay tahay udub-dhexaadka ilaalinta afka iyo daryeelkiisa.

Sannadkii 2015 ayaa xarunta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee Muqdisho la dhagax dhigay, haseyeeshee duruufo jirey awgood hadda ayay noqotay in la bilaabo dhismaha xaruntaas.