Maalinta caalamiga ee buugta, taariikhdeeda iyo war tifaftiran oo ku saabsan waxaa inaga siiyey Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, ahna Guddoomiye-sharafeedka Somali Pen.
https://aga.so/so/2020/04/23/munaasabadda-23-ka-abriil-saaxiibbada-buuggow-salaan-guddooma/#respond
In yar oo kooban haddaan wax ka qoro oon idinla wadaago kaalinta akhriska iyo qoraalku kaga jiro korniinshaha maskaxeed iyo korniinshaha qofeed ee ilmaha waxaan idinka codsanayaa in akhristow aad la wadaagtid, ehel iyo asxaabba.
Ugu horrayn, mahad idilkeed, Eebbe ayey u sugnaatay. Rabbi inagu galladaystay Qur’aanka Kariimka ah, kuna bilaabay tacliiminteenna iyo rabbaynteenna ‘Iqra – Akhri’. Abuurna Qalinka u hor abuuray. Xigmad ka wayn, oo akhriska iyo qorista ku aaddan, idinba odhan kari maayo.
Faa’iidooyinka akhrisku way badan yihiin, qaar ka mid ah haddaan yara tilmaamo:
• Ugu horrayn, diinteenna suubban ayaa akhris iyo waxbarasho ina fartay, inoogana baahan. Kitaabka Quraanka ah iyo sunniha rasuulkeenna SCW inaad barato oo aad ku camal fasho ayaa akhris kaaga baahan.
• Buugga wanaagsan waxaad ka helaysaa macallin sare oo takhasus ku ah maaddadaa uu wax ka qoray.
• Ereyo badan ayaa kaaga kordhaya, kaasoo xoojinaya awooddaada faham, qoritaan, doodeed iwm.
• Buugga iyo akhrisku waxay kuu dalxiis geeyaan daafaha adduunka, dadyow iyo dhaqamada adduunka ayaad ka baran kartaa, taasoo iyaduna kuu horseedi karaysa in aad dul u lahaato dadka iyo dhaqamada kaa duwan.
• Meel aanaad wax ka eegteen ayuu kuu ifiyaa.
• Xusuusta ayuu kordhiyaa iyadoo maskaxdu tababbar qaadanayso.
• Fanka mala-awaal ayuu kobciyaa.
• Han sare iyo in aad yool gaadho ayuu kugu abuuraa.
• Jidhku inuu u baahan yahay ilaalin iyo dhaqaalayn waa la wada ogsoon yahay, maskaxduna sidoo kale ayey u baahan tahay in la ilaaliyo. Sida muruqa looga shaqeysiiyo ayuu akhrisku maskaxda uga shaqeysiiyaa.
Dad badan baa ka qatan nicmooyinka laga helo akhriska sababo kala duwan awgood. Ka buug awoodi waaya, waa meel, kase ka wahsada, ama u haysta waqti lumis oo ka door bida muuqaal uu daawado, aragtidayda, waa ayaandarro. Dhaqan wax akhris in la yeesho waxaa ugu fudud uguna wanaagsan in carruurta loo bilaabo markay aad u yar yihiin, reer Galbeedku waxaabay ku taliyaan ilmaha oo aan weli dhalan oo uurka hooyadii ku jira in buug loo akhriyo!
Waqtigan guryaha lagu eg yahay, fayraska Koroona dartii, waalidka iyo ehelka waxaan kaga tegayaa talooyinkan:
• Buugga adi iyo ilmuhu aad wada akhrisataan uu noqodo waqti fiican oo aydun wada qaadataan
• Ilmuhu u baahan yahay in la baro dhaqan wax akhris, xag guri iyo xag fasalba. Waqti yar oo maalin kasta ah oo ka dibna laga wada sheekaysto wixii la akhriyey ayaa kaaga filan.
• Guryahu ha yeeshaan rakabuug camirran oo carruurta soo jiita. Marka dugsiyada lagu laabtana, dugsiyada ha lagu booriyo inay sidoo kale yeelaan.
• In la metalo sheeko la akhriyey, xiisaha buugga iyo akhriska ayey kordhinaysaa, sida qodobka sare marka dugsiyada lagu laabto iyagana aad ha loogu booriyo arrintaa.
• Waalidkoo iyagu tusa carruurta dhaqan wax akhris, hormuud lagu daydana u noqda.
• Dhaqan wax akhriska guriga oo la dhiirrigeliyo, xataa haddii aanay dadka waaweyn ee carruurta la nool wax akhrin karayn.
• Carruurta oo iyagana lagu dhiirigeliyo inay isku dayaan inay wax qoraan.
Akhris wacan
Saynab Aadan Sharci
AGA / SSPEN / Galool














