Dr. Afrax ayaa iftiimiyay kheyrka iyo fadliga ay leedahay bisha Ramadaan, waxaana uu Alle ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto shacbiga Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa ku guubaabiyay dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan oo ay u kaalmeeyaan walalaahooda dan-yarta ah, maadaama ay jiraan dad badan oo tabar yar ah, una baahan in la caawiyo.
Berri oo ku beegan 24-ka Abriil 2020 ayaa nooqnaysa maalintii koowaad ee bisha Ramadaan ee sannadka 1441 ee Hijriyadda Islaamka.