Al fannaan Cumar Cabdulle Shoolli, magaciisa saxda waxaa uu ahaa Cumar Cabdullaahi Cabdi, waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas ayuu ku barbaaray, kana bilaabay dugsiga Quraanka, kadibna waxaa loo wareejiyey magaalada Muqdisho oo uu waxbarashadiisa ka sii waday.
Cumar yaraantiisa, waxaa uu xiisayn jiray dabaasha badda, waxaa uuna dhalinyaradii saxiibadii ahaa uu kaga yaabsan jiray quusidda ama tiimbashada biyaha oo uu awood u lahaa in uu muddo ku maqnaado biyaha hoostooda, halkaas ayayna kasoo raacday naaneysta caanka ah ee Shoolli oo ah magac kalluun.
Cumar Shoolli, waxaa uu aad u jeclaa yaraantiisa fanka iyo heesaha, waxa uuna nasiib u yeeshay in uu ku biiro Fannaaniinta Xoogga dalka, waqtigaas waxaa Koonfur ka jiray laba kooxood oo kala ah:
Kooxda fannaaniinta Raadiyow Muqdisho iyo
Kooxda Fannaaniinta Xoogga dalka.
Cumar Shoolli, waxaa uu caan ku ahaa Garaacista Kitaarka, waxaa uu markii ugu horraysay toos u heesay sanadkii 1958kii.
Heestii ugu horraysay ee Cumar looga qabto Raadiyow Muqdisho waxa ay ahayd, hees lagu magacaabi jiray “ Soo jeed wanaageey”, hase yeeshee waxa uu Cumar ku soo caan baxay oo uu magac ku yeeshay heesta “ Waayahay Ku daayee, wadadeed maraysaa” ee uu sameeyay abwaankii waynaa Xuseen Aw Faarax, miraha heestana waxaa ay qusaysaa isla fannaanka.
Sida fannaanka uu ka sheekeeyay waxaa uu abwaanka ula tagay isagoo wata heestaani bayt kamid ah, 3da bayt ee kalena waxaa u raaciyay abwaan Xuseen Aw Faarax.
Nafyahay wadaad iyo
Weligii la sheegaba
Waydiiyay cudurkaa
Ku walaacinaayee …….
Anigana wax sheegiyo
Iga diiday waanee
Wacdi kaala quustee
Waayahay ku daayee
Wadadeed maraysaa ………?
Cumar Cabdulle Shoolli, fanka uma uusan soo galin in uu ka helaa magac iyo qarash ee waxaa ku soo riixay waa jacayl uu u qabay Qarankiisa, waxaadna taas ka garan kartaa sida hufnaanta iyo hawlkarnimada leh uu ugu heellana shaqadiisa daacadna uu ugu ahaa.
Fannaaniinta Xoogga dalka waxaa ku jiray oo ay Cumar kusoo kulmeen, fannaaniin waaweyn oo magac leh, waxaan ka xusi karnaa:
Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Singub”
Miicaad Miigane “Aw Maacalaysh”
Cusmaan Aadan Askari
Cumar Xasan Rooraaye
Yuusuf Aadan
Faadumo Cali Nakruuma
Khadiija Foodeey
Saafi Ducaale
Saalax Qaasim Naaji iyo fannaaniin kale.
Cumar Shoolli, waxaa uu ahaa nin aad u firfircoon, dabeecad wanaagsan, karti badan, Farxaan ah oo kaftama, dadka jecel oo soo dhoweeya.
Cumar, waxaa uu soo gacan qabtay fannaaniin waawayn oo uu fanka ku soo daray, tiro bandanna waxaa uu u garaacay tartankii heesaha hirgalay oo ay fannaaniin badan ku soo bixi jireen.
Fannaaniinta uu Cumar Shoolli, soo gacan qabtay oo tira badnaa waxaan ka soo qaadan karnaa:
• Maxamuud Xaaji Cali “Gaay wurrow”
• Daa`uud Cali Misxaf
• Maxamed Aadan Isaaq
• Aways Goobe
• Macallin Maysar
• Daahir Muuse
• Sanqoolle
• Joon dalloori
• Jooqle Shire iyo fannaaniin badan.
Fannaaniinta kusoo baxay heesaha hirgalay ee uu Cumar gacantiisa ugu garaacay waxaa kamid ahaa:
Xasan Aadan Samatar
Cumar Nuur Cabdulle
Maxamed Aadan Isaaq
Cabdi Xasan Dige
Cabdinaasir Macallin Saciid
Cabdiqadar xasan Xuseen
Cabdiqaadir Bagaag.
Xilligii Dowladdii Kacaanka , waxaa hormarro waaweyn laga sameeyay xagga fanka, waxaana dhismay kooxo kala duwan oo ay ugu wayneyd dhismihii Fannaaniinta Qaranka Waaberi.
Ruwaayado badan ayuu fanaanka kitaarka u garaacay, waxaan kasoo qaadan karnaa:
Qabrigii Jacaylka
Xuud baa liqay jacaylka
Wad iyo wacad
Biya sare tagay waa la sugaa
Dhado roob noqon wayday iyo riwaayado kale.
Al fannaan Cumar Cabdullaahi Cabdi “Shoolli”waxaa lagu naaneysay oo loogu wanqalay “Madaalihii hoballada Waaberi”, waxaa uu ahaa nin hawlkar ah oo laga yaabo in hal maalin kaliya saddex Ogaysiis laga sii daayo Raadiyow Muqdisho, Cumar Shoolli oo riwaayad ka tumaya Baydhabo ama Jowhar, Isla caawa waxaa uu ka tumayaa hoteel Jubba, isla berri subax barnaamijka Kedis waxaa uu ka tumayaa Tiyaatarka.
Waxaa kale uu ahaa nin aan ka daalin in uu dadka madadaaliyo inta riwaayadda laga bilaabayo. Waxaa magacaasi “ Madaalaha Hoballada Waaberi” u bixiyay Allaha u naxariistee Al Ustaad Cabdalla Nuuradiin Axmed.
Cumar Cabdulle Shoolli, ma lahayn wax balwad ah, taasna waxaa ay u suurta galisay in uu la yimaaddo shaqooyin iyo hal abuurro dheeraad ah isla markaana uu noqdaa nin shaqadiisa ka adag, waqtigana aad u ilaaliya, kuna dadaala qancinta dadwaynaha.
Cumar Shoolli, waxaa uu ahaa koox dhan oo guuraysa, meel kastaa uu tagayana kama hari jirin kabankiisa iyo kitaarkiisa.
Abwaanno badan ayaa cumar heeso u sameeyay, waxaan kasoo qaadan karnaa:
Abwaan Xuseen Aw faarax “Dubbad”
Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Singub”
Abwaan Cabdalla Nuuradiin Axmed
Abwaan Maxamed warsame tabantaabo
Abwaan Ismaaciil Xersi Dhagjar.
Cumar Shoolli inta badan kama uusan hoos qaraaban jirin abwaannada waawayn, waxaa uu aad u jeclaa in uu heeso ka qaato abwaannada yaryar, si`uu u gudbiyo dareenka ka dhex-guuxaya abwaannadaasi, waxaa uu aaminsanaa in miraha heesta aysan abwaan gaara ku xirnayn oo heesta uu qurxin karaa ama uu xumayn karaa fannaanka qaadaya.
Heesaha Cumar Shoolli, waa badwayn oo lama wada gaari karo, Tirana laguma keeni karo, waxaanse idinka xusuusin karnaa:
La dabaalo caashaqa
Uma qalantid caashaqa
Haku daayo caashaqa
Ceelgaab ama Abyan
Waayahay ku daayee
Ladnaan ku waaree
Ifraax
Laama loodshe
Wacad
Mirihii fardowsaad
Aroos wacan
Moor diinle
Gardarrida ina abtaay,
Miyi iyo magaalo iyo boqollaal heeso kale.
Cumar Shoolli, waxaa uu maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaa uu la xanuunsaneyey xanuunka macaanka uu fannaanku qabay, taasoo uu ugu dambeyn u geeriyooday 14ka bishaan, waxaana isla 15ka bishaan lagu aasay Qabuuraha Jeneraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab.
Waxaa aaska fanaanka kasoo qayb galay ehelldiisa, Xildhibaanno, maamulka Gobolka Banaadir, Golaha Abwaannada Soomaaliyeed iyo dadwayne aad u tira badan.
Waxaa geerida fannaanka ka tacsiyeeyay masuuliyiin iyo madax kala duwan oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr.Maxamed Daahir Afrax. Waxaa uuna marxuumka u rajeeyay in uu Ilaahay jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.
Allaha u naxariisto Cumar Cabdullaahi Cabdi “Shoolli” waxaa uu ahaa tiirkii fannaaniinta Qaranka Soomaaliyeed.
Waxaa Diyaariyay:
C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba)














