Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa ka tacsiyeeysay geerida ku timid Allaha u naxariistee Madaalihii Hobolada Waaberi Cumar C/lle (Cumar Shooli) oo habeennimadii 14/4/2020 ku geeriyooday cisbitaal ku yaallo magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuunsanayay.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ku hadlayay magaca Akadeemiyada ayaa sheegay inuu tacsi u dirayo qoyskii, eheladii, asaxaabtii, hobalada Waaberi iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cumar Cabdulle Shooli oo ka tirsanaa Hobolada Qaranka ee Waaberi, isaga oo Alle uga baryay inuu Jannadiisa ka waraabiyo.
Allaha u naxariistee Cumar Shooli ayaa ahaa Fannaan si weyn looga yaqaanno gayiga ay Soomaalidu degto, waxaana uu ka mid ahaa tiirarkii Hobolada Qaranka Waaberi, isaga oo lagu naaneysi jirey Madaalaha Hobolada Waaberi.














