Xaflad loogu tala-galay daahfurka buugga Godob iyo Geeri, ayna ka soo qeyb-galeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK, madaxda AGA ee Qaaradda Yurub, aqoonyahanno, qorayaal iyo marti sharaf kale ayaa 7/3/2020, waxaa lagu qabtay xarunta Dream Chaser Youth Club ee magaalada Birmingham ee dalka Britain.

Furitaankii munaasabaddaasi waxaa ka hadlay qoraaga buugga Godob iyo Geeri Muxyadiin Xuseen Ciid, waxaana uuu si faah-faahsan uga hadlay macluumaadka uu xambaarsan buuggiisa, isaga uu caddeeyay sheekada buuggiisa inay ku jihaysan  tahay qiso kuu iftiimin doonta sharafta iyo qiimaha uu lahaa dhaqankii hore ee Soomaalida.

“Sheekada Godob iyo Geeri waxa ay ku qotontaa dhaqankii qarniyaal ka hor Soomaalida saldhiga u ahaa, qisadaan waxaa qayb wayn ka ah suugaanteenii dhaxal-galka ahayd ee aan caanka ku ahayn, dad badan oo dhaqanka xiiseeya ayaa waxa ay u noqon doontaa mid ay ku diirsadaan” ayuu yiri  qoraha buugga MuxyadIin Xuseen Ciid oo halkaasi uga mahad-celiyay masuuliyiinta Akadeemiye-Goboleedka AGA oo qeyb weyn ku lahaa isku duba-ridka daahfurka buuggaasi..

Wakiilka Qaaradda Yurub ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon iyo Wakiilka Akadeemiayada AGA ee dalka Ingiriiska Cabduqaadir Ruumi oo iyguna xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin ka soo qeybgalka daahfurka buuggaasi, waxaana ay ku nuux-nuuxasdeen inuu buugga Godob iyo Geeri uu yahay buug  tilmaamaya hab-nololeedka Soomaalidii hore, iyaga oo intaasi raaciyay in cutub kasta lagu qurxiyay murti mug weyn.  

Qaar ka mid ahaa ka qeyb-galayaashii xafladdaasi ayaa qoraha buugga Godob iyo Geeri la wadaagay su’aalo ku saabsan buuggiisa, qoraha ayaana weydiimahaasi si hufan uga war-celiyay, iyada oo gunnaanadkii munaasabaddaasina lagu iibsadey nuqulo ka mid ahaa buuggaasi.