Xaflad loogu tala-galay Xuska Maalinta Caalaimga ah ee Afka Hooyo, ayna si wadajir ah u soo abaabuleen bahda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  ee UK iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed ee SSPEN, ayaa habeenkii 22/2/2020 waxaa lagu qabtay magaalada Bolton ee dalka Britain.

Munasaabaddii Xafladdaas oo si wanaagsan loo soo qaabeeyay ayaa waxaa ka soo qayb-galay qaybaha kala duwan ee jaalliyadda Soomaalida ee magaalada Bolton, aqoonyahanno, qorayaal, hal-abuurro, haweenka iyo dhallinyarada Jaalliyaddaas ee magalada Balton.

Masuuliyiintii ka hadshay xafladdaasi ayaa halkaasi ka soo jeediyay warbixinno isugu jirey muhiimda uu afku leeyahay, taariikha iyo sida uu ku dhashey xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo iyo dowrka AGA/SPEN ee ku aadan hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.

Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee wadanka Ingiriiska Prof. Cabdulqaadir Ruumi oo ka hadlay munaasabaddaasi ayaa si qoto dheer u iftiimiyay waxqabadka AGA ee ku saabsan dhinaca daryeelka iyo hiilka afka Soomaaliga, waxaana uu tibaaxay inay lagama maarmaan tahay sidii Akadeemiyada AGA gacan loogu siin lahaa nooleynta iyo xoojinta afka hooyo, isaga oo ku guubaabiyay bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool inay ka shaqeeyaan sidii ay caruurtooda u bari lahaayeen afkooda hooyo iyo dhaqankooda sooyaalka ah.

Qaar ka mid ah madaxda Jaalliyadda Soomaalida ee magaalada Bolton oo gaba-gabadii xafladdaasi ka hadlay ayaa soo jeediyay talo iyo tusmo la xiriirta hiilka afka hooyo iyo in lagu bar-baariyo ubadka Soomaalida jacaylka afkooda hooyo.

Xafladdaasi oo ku soo dhaamaatey jawi wanaagsan ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhiggay suugaan iyo carwo buugaageed aad loo jecleystay.